+252 90 4048010

literature

HEESO DALJACAYL IYO DIINJACAYL AH

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: February 28, 2026


HEESO MAANDHIS AH 

Xulka heesan waxaa ku dheehan dal jacayl iyo diin jacayl oo waxa ay laga maarmaan u yihiin ubadka caqligooda iyo korriinkooda la dhoobdhoobayo.

NEBI AMAAN – INTII RAACDAY NEBIGEE

Heestani waa Nebi Amaan. Heestan waxaa ku luuqeeya hooballadii Xaliimo Khaliif Magool ee Hooballada Waaberi, laakiin ma garanayo cidda midhaha curisay.

Adduunyadu rafaadiyo

Waa reero guuroo

Ifka laga raraayee

Ruuxna kuma hadhaayee


Kuwa raranka naartiyo

Laga reebay Jahanama

Ayaa rays degaayee


Inta raacday Nebigee 

Rafiiqiisa noqotee

Aan rumaysay noqonee

Ku saliya rasuulka


Naf waliba rug iyo guri

Raas bay ku leedahay

Iil baa la isku ridayaa

Rabbi aan ka yaabnee


Raasamaalka aakhiro

Rafaad iyo barwaaquu

Qofba mid uun ku raagaa


Inta raacday Nebigee 

Rafiiqiisa noqotee

Aan rumaysay noqonee

Ku saliya rasuulka


Allaah baa ka raaliyoo

Magaciisa raacshoo

Rogmashada Qiyaamaha

Ribashada kol ay tahay

Raxmad Eebbe siiyiyo

Roob iyo daruur buu 

Inoo raadinayaa


Inta raacday Nebigee 

Rafiiqiisa noqotee

Aan rumaysay noqonee

Ku saliya rasuulka

NEBI AMAAN – RASUULKII SHARAFTA MUDANOOW

Heestani waa Nebi Amaan. Heestan waxaa ku luuqeeya hooballadii Sahra Axmed ee Hooballada Waaberi, laakiin ma garanayo cidda midhaha curisay.

Rasuulka shinudhalashadiisii

Ibleyska la wada shakaalee

Malaa’iguhuna shukri iyo farax

Xamdiga ay laba shubeen


Adduunyadi shaaqila ahaa

Shucaaciisa nuurku gaadhee

Markuu shil ku dhacay asnaamtii

Gaalada wada shaamareertee


Rasuulkii sharafta mudanoow

Dunida shaaca looga dhigayow

Shidada Akhaaro dhibteediyo

Qiyaamaha noo shafeeceey


Shamsiyo dayaxii Makaadow

Shakhsina Nebigaan metalinee

Rasuulkii nafluhu shaki la’aan

Cilmigiisa ka wada sharaabow.


Shaqalka quruxdaan lahaynee

Shaanshaan udugiisu gaadhiyo

Naxliga xumo uurku sheeliyo

Sharaaradba laga sifeeyoow


Rasuulkii sharafta mudanoow

Dunida shaaca looga dhigayow

Shidada Akhaaro dhibteediyo

Qiyaamaha noo shafeeceey


Quraanka sharraxan Jibraa’iil

Rasuulkuu dusha uga sheegee

Habeen dadka oo shib wada yidhi

Hawada kii lagu shareeroow


Bureeqoo heenso shaaximan

Samada shishe u la talowdee

Carshiga sare lagu casuumee

Ilaahay ku wada shireenow


Rasuulkii sharafta mudanoow

Dunida shaaca looga dhigayow

Shidada Akhaaro dhibteediyo

Qiyaamaha noo shafeeceey

AFRIKAAY HURUDOOY

Heestan waxaa la yidhaahdaa “Afrikaay Hurudooy” oo uu curiyey Ismaciil Xirsi Ciise (Farxaan) oo ay qaado boqorradda codka ee Xaliimo Khaliif Magoo lee Hooballada Waaberi. 

Hooy Afrikaay hurudooy

Cadow ku heeryeey hurudooy

Halyeeyadaadii hurudooy

Haad baa cunayeey hurudooy

Haamaa la saaraa hurudooy

Hayin sidiisii hurudooy

La hogaaminaayaa 

Duli lama hulaabtee

Aaway hanadadaadii

Doqon baa habowsane

Weligeed halawsane

Sida xoolihii baa

Xero nalagu hooyaa

Habeeno badan baan hurudooy

Hamuun ku seexdoo hurudooy

Hiirtaanyo awgeed hurudooy

La hadliwaayee hurudooy

Caanihii hashaydaan hurudooy

Haleeliwaayee hurudooy

Laa igaa horjoogaa

Horor waraabaa hurudooy

Waaxyaha ku haystaa hurudooy

Ku hantiyaayaa hurudooy

 Ka hirqanayee hurudooy

Hooy had maad ogaatoo hurudooy

Aad hagaagidoontaa

Hadinaweeydee hurudooy

Had maad ogaatoo hurudooy

Aad hagaagidoontaa

Duli lama hulaabtee

Aaway hanadadaadii

Doqon baa habowsane

Weligeed halawsane

Sida xoolihii baa

Xero nalagu hooyaa 

Heestan waxaa lagu afnaqay ama lagu tarjumey 48 af oo Afrikaan ah.

Milgada Erayada Heesta

Hooy -  eray loo adeegsado wicidda qofka ama dadka kaa durugsan.

Heeryeey - erayga asalkiisu waa heer oo la macno meeriska ama maraaryaha walaxdu marayso sida biyaha. Heeryeey waxaa looga jeedaa cadow boqonta heer ama meeris kaaga samee oo ku dil.

Halyey - ninka geesiga ah.

Haad - wax kasta oo duula sida shimbiraha.

Haamo - waa haan oo wadar ah.

Hayin - Awrka alaabada lagu raro si wacan u qaada.

Aaway - eray la macno ah kumee?

Hulaab - marada oo si fool xun loo hagoogto ama loo huwado.

Hamuun - baahida gaajada ah ee kugu raagtey oo aad wax aad cunto weydo.

Hiirtaanyo - dhib ka xauujisa oo aad hiirtii la kacdo.

Horor - bahal dadcun ah oo aan waxba dhaafayn.

Waax - kolka walaxda loo qaybiyo afar qaybood oo isle’eg mid ahaan.

Hantiyaaya - ku yeelanaya oo hanti kaa dhiganaya.

Hirqasho - ka dhergid 

Hadinaweydee - garanaweydee.

Sannadihii todobaatanaadkii waxaa Muqdisho ku shiray madaxda Afrika oo dhan. Madaxweynihii Soomaaliya waxa uu Hooballada Waaberi ka codsadey in ay keenaan hees Afrika oo dhan ka hadlaysa iyo hooballad cod macaan. Sidaas awgeed waxa ay u dooreen Heesta Afrikaay Hurudooy ee uu curiyey Ismaciil Xirsi Ciise (Farxaan) oo ay ku luuqaynayso boqorradda codka ee Xaliimo Khaliif Magool si ay uga ilmaysiiso madaxdii Afrika ee meesha isugu timid. Heestan waxaa lagu daray dhammaan tubta waxbarashada ee Dalalka Afrika.

 NASHIIDADA DARDAARANKA

أوصيكم يا معشر الإخوان ... عليكم بطاعة الديان

وإياكم أن تهملوا أوقاتكم ... فتندموا يوما على ما فاتكم

وإنما غنيمة الإنسان ... شبابه والخسر في التواني

ما أحسن الطاعة للشبان ... فأسعوا لتقوى الله يا إخواني

وأعمروا أوقاتكم بالطاعة ... والذكر كل لحظة وساعة

ومن تفته ساعة في عمره ... تكن عليه حسرة في قبره

ومن يكن فرط في شبابه ... حتى مضى عجبت من تبابه

ويا سعادة امرئ قضاه ... في عمل يرضى به مولاه

أحب ربي طاعة الشباب ... يا فوزهم بجنة الرضوان

فتب إلى مولاك يا إنسان ... من قبل أن يفوتك الأوان

ومن يقل إني صغير أصبر ... ثم أطيع الله حين أكبر

فإن ذاك غره إبليس ... وقلبه مغلق مطموس

لا خير فيمن لم يتب صغيرا ... ولم يكن بعيبه بصيرا

HEESTA CAQLIGII WANAAGSAN

Heestan waxaa la yidhaahdaa “Caqligii Wanaagsan.” Heestan waxaa curiyey Xasan Sheekh Muumin Gorod isaga oo wax ka tilmaamaya siyaalaha noolaha kaladuwan u kala garasho roon yihiin. 

Gorayadu ilmaheeda

Aroori bay dhigtaayo

Aboodigu ku laayaa

Shimbirtuna aroosay

Ilaxidhoo ammaana bay

Ubadkeeda seexisaa

Kala awran labaduye

Edebtiyo aqoontiyo 

Asluub bay isku dhaafeen

Caqligii wanaagsani

Itaal inuu ka roon yahay

Bal eegoo u fiirsada


Ilka weynoow maroodigu

Arladuu mirtaabaa

Cadowgu ku ugaadhaa

Aboorkuna dundumadaan

Aragnay buu dhistaayoo

Naftiisa ku ilaaliyaa

Kala awran labaduye

Edebtiyo aqoontiyo 

Asluub bay isku dhaafeen

Caqligii wanaagsani

Itaal inuu ka roon yahay

Bal eegoo u fiirsada 

HEESTA SOOMAALI BAAN AHAY

Heestan waxaa la yidhaahdaa “Soomaali baan ahay.” Heestan waxaa curiyey Cabdiqaadir Xirsi Yamyam isaga oo wax ka tilmaamaya qofnimadii bulshadii hore ee Soomaaliyeed. Waana arrin ku dayasho mudan.

Waqtiyda socdaalka ah

Ayaamaha silsilada ah 

Xilliyada bal suuree

Soo jire haddaad tahay

Sadarada dib ugu noqo

Soomaali waa kuma?

Sinnaantaan la magac ahay

San ku neefle ma ogoli

Inuu iga sarayn karo

Anna garasho sogordahan

Sooryo ruux uga ma dhigo

Soomaali baan ahay!

Ninna madax salaaxiyo

Ka ma yeelo seetada

Sasabada ma qaayibo

Sirta waxaan iraahdaa

Saab aan biyaha celin

Soomaali baan ahay!

In kastoon sabool ahay

Haddana waan sarriigtaa

Sacabada ma hoorsado

Saaxiib nimaan nahay

Cadowgayga la ma simo

Soomaali baan ahay!

Socdaalkaygu waa meel

Sahaydaydu waa dacar

Soohdintaydu waa caan 

Seeftaydu waa cudur

Naftuna geedka iga sudhan

Soomaali baan ahay!

Nin isigay ma nabad galo

Nin I sugayna maba jiro

Libta weli ma siidayn

Gardarada ma saacido

Nin xaq lehna cid la ma simo

Soomaali baan ahay!

Nabadaan u sahanshaa 

Colaadaan ka selelaa

Soomajeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa ka ma sugo

Soomaali baan ahay!

Dabayshaan la socod ahay 

Salfudaydna u ma kaco

Waabey sunaan ahay

Marna samawadaan ahay

Samir baan hagoogtaa 

Soomaali baan ahay!

Ninkaan taydu soli karin

U ma yeelo suu rabo

Sida dunida qaarkeed

Sandullaynta ma ogoli

Ninna kabaha u ma sido

Soomaali baan ahay!

Ninka iga sed roonoow

Siintaada magaca leh

Ogow kaama sugayee

Hana odhan sasabo badow

Dareen seexda ma lihiye

Soomaali baan ahay!

Saan la kala jaraan ahay

Summadi ay ku wada taal

Rag baa beri saanyadey

Anoo xoolo soofsada

Xil midnimo anaa sida

Soomaali baan ahay!

HEESTA DADWEYNAHAAN HANUUNINAA!

Heestan waxaa la yidhaahdaa “Dadweynahaan Hanuuninaa.” Heestan waxaa curiyey Xasan Sheekh Muumin Gorod isaga oo wax ka tilmaamaya muhiimadda afka, dhaqanka, hiddaha, taariikhda, iyo jiritaanka bulshada.

Buraanbur iyo hees, heello iyo ciyaar

Gabayo haybad iyo hadhaa leh baan u hindisnaa

Hurdadaan gu’yaal ka haayirnaa naftayadaan hurnaa

Ma hagrannee waan u hawlgallaa

Murtidaan hurinaa kala hufnaa haqabtirnaa u heegannaa

Dadweynahaan hanuuninnaa, hasaawinnaa danta u hagnaa.

Habeen iyo dharaar hadalladaan dhisnaa

Afkeenna hooyo oo Horumaraan ku hamminaa

Hoggaaminnaa had iyo jeer hagnaa oo waan hagaajinaa

Ma hagrannee waan u hawlgallaa

Murtidaan hurinaa kala hufnaa haqabtirnaa u heegannaa

Dadweynahaan hanuuninnaa, hasaawinnaa danta u hagnaa.

Taariikhda hiddahaan habaaska ka tirnaa

Hannaankii aan ku soo dhaqmaynay baan u hiilinnaa

Lamahuraan hilinka toosan baan dhallinta u horgallaa

Ma hagrannee waan u hawlgallaa

Murtidaan hurinaa kala hufnaa haqabtirnaa u heegannaa

Dadweynahaan hanuuninnaa, hasaawinnaa danta u hagnaa.

BALLANTEENU WAA SHAQO 

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Dadweynaha waxa ay ku guubaabinaysaa muhiimadda shaqadu leedahay.

Ardaydii dalkeygaay

Beelaha adduunyada 

Berrinada ku kala nool 

Qaar baahan baa jira 

Boqolaal kun oo sanno 

Aan bedellin qorshaha oo 

Basanbaas ku noolaa 

Afrikaba ha u badnaatee 


Baadka iyo xooluhu 

Ay ku badan yihiinoo 

Bidix midig biyuhu ay socdaanoo 

Badhtamaha webiyaal burqanayaan 

Barwaaqada dhulkooda 

U badheedhi waayoo 

Baahiyo ku qaba silic 

Oo baa ba'aa jira 


Qaarna waxay bannaysteen 

Buuraha dushoodoo 

Dalagyo ay ku beerteen 

Hawl loo badheedhiyo 

Muruq laysku biirshaa 

Mabda'a lagu balleeyaa 

Birta inuu ka adag yahay 

Ku qoreen buugaagtoo 

Ubadkooda barayaan 

Barwaaqana ku gaadheen 

Barwaaqana ku gaadheen 


Aan idiin bayaanshee 

Bu'da hadalku wuxuu yahay 

Soomaalaay baraaruga 

Hawsha u badheedhoo 

La soo baxa barwaaqada 

Dahabka iyo biraha 

Beerahana tabcada 

Cid kale waxaad ka baridana 

Baahi kaama goysee 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 


Biyo sacabadaadaa 

Looga oon baxaa 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 

Beelahoo is raaciyo 

Midnimadoon ku baaqnaa 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 


Boqol sanno midkii jirey 

Buxushaaga buuxsamay 

Gadh madoobe aan biqin 

Dhallintooy is biirsoo 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 


Si aan bugtada iyo baahida 

Iyo oonkiyo jahli uga baxnaa 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 


Midka dhagabarjoobee 

Qabiilka ay ku baahsheen 

Si uu uga bogsoodoo 

Uga baxo xumaha 

Ballanteenu waa shaqo 

Ballanteenu waa shaqo 

NIN DUNDUMO WACDIYEY

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwo dhowaan la curiyey. Heestan waxa aan ka helay internet-ka, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Nin duddumo wacdiyayow

Dan adaa u noogiye

Dhagax inaad dubbaysiyo

Dufan inaad marmarisaa

Dareen waa isagu mide

waxaan ula danleeyahay

Ama taa la darajo ah

Somaalidaan dedan

Oo daqarro halisiyo

Daabka culus ku dhacayee

Misna aan dareenkiyo

Caqli duxaba lagu arag!

 

Dawladnimiyo sharafteed

kuwa diiday ee nacay

Ee daarad dhaxan badan

Ku meersaday dugaalkee

Dirri meel ah yuurura

Dantiinii gartaan idhi.

 

Masaakiinta daashee

Dacaskiyo rafaadkiyo

Darxumada ka dheregtee

Wax u diirnaxaayiyo

Duul caawinaayiyo

Aan helayn daryeel iyo

Daawiyo wax quudshiyo

Wax daneeya oo raba

Waa duul la ciilaye

Ha la daafacaan idhi.

Qabqablaha dibirayee

Doollaraadka haystee

Oo darajo beeniyo

Duub bililiqaa iyo

Wax dhac tahay dantiisuba

Dadqalkaa wax jarayee

Dam ka siiyey shacabkii

Ha la dayriyaan idhi.

 

Duunyadaan lahayn iyo

Deeradiyo cawshii

Qaalmaha la didiyee

Dekedaha ka dhoofiyo

Dheddigaan la daabulay

Xooleheenna dabargo’ay

Dahab iyo macaadiin

Dheemankeeni duugnaa

Doqonkaan xaraashana

Ha loo diro xabsaan idhi.

 

Halkaa diillin ii saar

Dabraceli ujeeddada

Daalaco wixii tagey

Dulmanaha u buradaa

Dacay geli cadaawaha

Dalkii baa hadlaayee

Ha dacwiyo markiisoo

Danihii ha sheegtee

Su’aalahaan is dabayaal

Ummaddii u daabaca!


Wuxuu yidhi dadweynoow

Sow ma ahi dalkiinii

Degelkaad ku dhalateen

Deegaankaad lahaydeen

Maxaa lay duminayaa?

Loo burburiyay daarihi?

Waxa lay dayacayoo

Lay dayrshay yaa garan?

 

Nacab inuu i soo dego

Miyaad doorbidaysaan?

Maydin deeqi waayoo

Cidhiidhi baad dareenteen?

Dalagga iyo beeraha

Miyaan iga dul bixi karin?

Ninka yaambo daabtoo

Dibjirooday waa kuma!

 

Webiyada durdurayiyo

Dooxooyinkaygaan

Dacar miyay dhadhamayaan?

Baddaa deeqa Eebbaa

Goormaad dayaysaan?

Macaadiinta dihin iyo

Daakhilkayga waxa yaal

Nimcadaan ku daahnahay

Yay dani kahaysaa!

 

Kuwa dibadda aadow

Maxaa layga didayaa?

Haddii aad i diiddeen

Yaa iga dun wacanood

Igu doorsanaysaan?

Deegaan miyaa qaxootigu?

Dal ajnabi ma guri baa?

Miyaa laygu kiin diray!

 

Aqoontiina dahabkaa

Dunjigeeda yayska leh?

Maad igu dadaashaan

Doqontiyo magaratada

Dayradood miyaan ahay?

Dhaxalkayga duuggaa

Yaa dheefsan doonoo

Hadhow loo dambariyaa?

 

Aawaye dadkaygii

Digta igu dhacaysiyo

Madfacaan i dooxiyo

Dhiigga daadanaayee

Dushaydii hadheeyiyo

Waxa daanno igu taal

Yaan u dabagalaayoo

Dacwaddayda yaa qori?

 

Tahriib doonayaashiyo

Doonyaha la raacee

Lagu daatay waayahan

Daliil weeye igu filan

Inaad iga rug dayateen

Dawladaha kaleetee

Derisnimada ii xiga

Way i daawadaanoo

Dulligaan i haystey

Dusha sare ka eegtaan!

 

Ninkii dumi lahaa geel

Uu sii didinayaa

Ilayn dooh ma celisee

Hooyadii nin dayrshoo

Daleel uga dhaqaaqana

Inuu habaryar daadihin

Diiwaan ma qorayee

Jiilaal dangiigsaday

Cawskiisa duugaagaa

La ma huro dabaadiye

Midka iga dallacayow

Adigiyo dadnimadaa!

 

Anigu daawadaan ahay

Xummaantayda doonaha

Duugaaya sharaftay

Dibindaabyo taliyaha

I duleedinaayiyo

Midka daacaddayda ah

Kala ogi dirkoodaba.

 

Dad Islaama baan nahay

Waayagaa ku doodee

Diintay sheeganaayaan

Ma dibnaha korkoodaa

Haddaan ficilku daakhilin

Oon lagu dabakhin camal

Aayad ruux dareershaa

Dux miyuu ka helayaa?

  

Dulmi qoom bannaystaa

Daal wuu ka haagiye (ka dhergiye)

Maxaa dirir ka xaasilay

Aakhirana danab iyo

Naar baa dambaysoo

Diiwaan la qoraybaa

Daabacan hortaadoo

Dafir la is xaqiro iyo

Doodi waa dhammaate

Qof kastaa wuxuu dilay

Wuxuu duudsiyoo dhacay

Wuxuu dabamaryeeyoo

Dulmanaha ka meersaday

Dakanadiyo godobaha

Deyn weeye laga rabo

Dooddiina ii xidhan.

HEEGAN AAN AHAANOO

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1970aadkii. Dhanka codka waxaa ku luuqeeya Xasan Diiriye, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Hiddaha iyo dhaqankiyo

Hawlaha dhulkaygaa

La ii saaray hibadee

Xil huwade had iyo jeer

Horusocod u baahane

Aniga iyo habeenkay

Hoodada ku kulane

Heegan aan ahaanoo

Horseedoo

Waa la ii han weynyoo

Hogaanshoo

La ma huro nin hawlkara

Sida geed hadhweyn baa

Lagu soo hirtaayee

Hedda iyo nasiibkaa

Is hareera yaalee

Labo hilin habboonaa

Rabboow igu hagaaji

Heegan aan ahaanoo

Horseedoo

Waa la ii han weynyoo

Hogaanshoo

Taladii hirgeliyoo

Hoodaami lay yidhi

Yey habaqle noqonine

Ina hibo ku qaatoo

Ma halmaami karayee

Hilibkiisi buu cunay

Nin hagraday dhulkiisii

Heegan aan ahaanoo

Horseedoo

Waa la ii han weynyoo

Hogaanshoo

HEESTA FARTA SOOMAALIGA

Waayahan dambe ee burburka iyo tabaalooyinka adduunka waxaa batay oo baylah iyo darxumo ku habsatay afkii iyo fartii Soomaalida. Iyada oo ay jiraan qofaf si kelikeli ah dadaal ballaadhan ugu jiraan, misana waxaa la tebayaa oo maqan kaalintii qaranka iyo wadajirka bulshada si la isaga kaashado oo loo daryeelo horumarinta afka iyo fartiisa.

In kasta oo farta qorani aafo weyn oo laxaad leh ka badbaadisey dadkeena, haddana waxaa dhab ah in badi la jejebiyo higgaadda iyo habsami u dhigidda afkeena hooyo. Inta badan waxaa dhacda in aan xarfaha labanlaabma, shaqalka dheer, iyo hakadkore layska dhayalsado oo la dhaafo. Taasina carrab la'aan bay dhadhantaa oo tii oo aan la dhaadin bay qalloocaa iskaga caadiyowday. Haddaba Abwaanka la yidhaahdo Cismaan Cabdinuur Xaashi isaga oo arrimahaas ka dhiidhiyaya ayuu heestan soo socota u soo gudbinayaa bulshada Soomaaliyeed isagoo yidhi:

Farteena ka daaya dheel dheelkoo 

Dhammaystira shaqalka kii dheeroo

Xarfaha laba dhaca ha dhaawicinoo 

Hamsaha dhaabadda ah ha dhayalsaninoo

Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa

Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye

Dhawaaqa san waa la qaataaye

Dhabiiltanka hooy ku dhiirrada eey

Dhiggiina qalaadba weydin dhistaan 

Higgaaddiisa waad dhudhumisaan oo

Dhaliishana waad ka dhawrtaane 

Ajnabigaba waad ku dholoshaane 

Dhammaanba farteena dhoyga gashoo

U dhaama sidaad u dhumiseeneey 

Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa

Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye

Dhawaaqa san waa la qaataaye 

Dhabiiltankan hooy ku dhiirrada eey

Ciddii dhaaddaa dhadhaminaysoo 

Dhaqsaba keenu wuu u dhaadhiciyoo

Murtaa lagu dhuday dhitiyo faraloo

Suugaanta dhankeeda dheegsada oo

Dhabtaad fahmaysaan dhamayska ahee

Farteena ka daaya dheel dheelkoo 

Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa

Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye 

Dhawaaqasan waa la qaataaye 

Dhabiiltankan hooy ku dhiirada eey

CALANKA

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1960aadkii. Dhanka codka dad badan baa ku luuqeeya, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Qolo baa calankeedu waa caynoo

Innaga keennu waa cirkoo kale ee

Aan caadna lahayn ee caashaqayeey

Xidig yahay caddi waad noo ciidamisee

Carradaa keligaa adow curadee

Cadceeda sideeda caan noqo eey

Cishadad dhalataad calooshayadii

Sidii culaygii cidaad marisee

Allow ha ku celin cawoy dhaha.

WAADIGA DUGSIYADA

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1960aadkii. Dhanka codka dad badan baa ku luuqeeya oo waxaa curiyey Abwaan Xasan Sheekh Muumin Gorod.

Waxaan ahay waadiga dugsiyadaa

Waxaan ahay waanada macalinkaa

Waagii baryaba ubax laga waraabshoo

Waxaan ku welweleynaa 

Wadankiina wax ubarta

Oo xambaraara waajibkiisa

Wahsan mayno 

Waaban mayno

Warwareegi maynoo 

Weec weecan maynoo

Guul wacan 

Cadow ka waabto

Nolol wanaagsan iyo barwaaqo

Nabad lagu wadaago

Haku waaro wadankeenu

Wadankeenu waa 

Wadnihii jidhkeena

Waraabinaayey dhiiggoo

Waan ku werdiyeynaa

Waxaan wacad ku qaadaynaa 

Geyigiina wax ubarta

Oo ka jira waxyeelada

AFRIKAAY DAYA!

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1970aadkii. Dhanka codka dad badan baa ku luuqeeya, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Maan duuliwaayin

Mana dirirwaayin

Mana dadaaliwaayin

Afrikooy daya!

Diidnayo ogow

Dalkayaga ninkii doonaayayoow

Inuu duudsiyo rabow

Annagu diidnaye ogow

Ninkii dilay walaalkeen

Annana waa noo dan leeyahay

Dakhar baa gaadhidoonaa

Afrikooy daya!

Diidnayo ogow

Dalkayaga ninkii doonaayayoow

Inuu duudsiyo rabow

Annagu diidnaye ogow

Dadka waa u dhexaynaa

Ninna daandaansan mayno

Xumaatana doonimayno

Afrikooy daya!

Diidnayo ogow

Dalkayaga ninkii doonaayayoow

Inuu duudsiyo rabow

Annagu diidnaye ogow

Arrin kastoo dulqaadaba

In kastoo daawo la saaraa

Mar uun buu kugu dilaacaa

Afrikooy daya!

Diidnayo ogow

Dalkayaga ninkii doonaayayoow

Inuu duudsiyo rabow

Annagu diidnaye ogow

MACALIMKEEN ALLOW KAAL

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1960aadkii. Dhanka codka dad badan baa ku luuqeeya, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Waa madal hadhweyniyo

Ceel maaxanaayoo

Aan madhanayn weligii 

Macalinkeen Allow kaal

Maskaxda iyo maankiyo

Waa kan muruqa laylyee

Macalinkeen Allow kaal

Dunidoo madowoo

Mugdi iyo cabsi lehoo

Oo mici ku dhiigliyo 

Mas dilaa ay joogaan

Waa ka marinka nuurshee

Minan janno Allow gee

Midho Janno Allow sii

Macalinkeen Allow kaal

AQOON LA’AAN

Heestani waxa ay ka mid tahay kuwii la curiyey 1960aadkii. Dhanka codka dad badan baa ku luuqeeya, laakiin ma garanayo curiyihii heesta.

Aqoon la’aani waa iftiin la’aane 

Waa aqal madow iyo ilays la’aane

Ogaada ogaada dugsiyada ogaada!

Oo aada oo aada walaalayaal aada!

Waa oomanaan iyo abaare, 

Omos iyo oon biyo la’aane

Ogaada ogaada dugsiyada ogaada!

Oo aada oo aada walaalayaal aada!

Indhaha aan kala qaadnee,

Ifka aan ugu ilbaxsanaanee

Ogaada ogaada dugsiyada ogaada!

Oo aada oo aada walaalayaal aada!

Goortu waa hillaac ordayee

Aad u dheeho intaad yar tahoo

Eraygaad barataad akhridaa

Anfacaa anfacaa abidkaaye ogow

Ka adkow ka adkow!

Dugsigaaga ka adkow! 

Dersigaaga ka adkow!

HEESTA DHAQANKA

Halkan waxa aan ku soo qaadanaynaa heestii ay qaadayeen Maxamed Jaamac Joof iyo Maryam Mursal. Maxamed Jaamac Joof waxa uu ka dhiidhiyayaa dhaqankii bulshada oo gabaabsi ah, laakiin Maryan Mursal waxa ay soo dhowaynaysaa nolosha cusub ee la hiigsanayo.

Maxamed Jaamac Joof waxa uu yidhi,

Beri hore waxaa jirey

Inan timaha diibtoo

Baarkana u tidicdoo

Boqorkiyo dhaclahiyo

Maro bayd ah xidhatee

Wax bedeley kuwii hore

Belo geesa dheeroo

Buur madaxa saartoo

Suuqa beretamaayee

Baabi’iyey dhaqankii

Sharcigii ka bayroo

Diintii burburiyee

Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal waxa ay tidhi,

Boqol sano horteediyo

Beri hore wixii jirey

Ee la iska baal maray

Budulkii dib ha u qaban

Laga soo baqoolee

Haddaan beretan iyo orod

Bisha iyo cadceediyo

Beesha loo horseedoo

Aanu beegsaneynaa

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin

Dadka soo baraarugey

Maxamed Jaamac Joof waxa uu yidhi,     

Beri hore waxaa jirey

Inan aan bil iyo laba

Hadal kaaga bixinoo

Raggu baadi goobaan

Beri arag ku weydaa

Wax bedeley kuwii hore

Casarkii dar baxayoo

Kiish buuran qaatiyo

Budhcad beledka meertee

Baabi’iyey dhaqankii

Sharcigii ka bayroo

Diintii burburisee

Habloow maad is barqabataan

Maryan Mursal waxa ay tidhi,

Ilaahii bad iyo webi

Biyahooda daadshee

Meel kula ballamayee

Dhulka baaxadaliyo

Buuraha rakibay baa

Bini aadamgiisana

Ruuxba cayn u beere

Waad baadiyowdee

Cidi kulama bayrine

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin

Dadka soo baraarugey

Maxamed Jaamac Joof waxa uu yidhi,      

Beri hore waxaa jirey

Inan baarax geeliyo

Faraskii baxdoowaba

Yarad looga bixiyaa

Bunduqana la raacshaa

Wax bedeley kuwii hore

Isu bogga bar maqanoo

Bahdii ay ka dhalatiyo

Baylihisay waanee

Baabi’iyey dhaqankii

Sharcigii ka bayroo

Diintii burburisee

Habloow maad is barqabataan 

Maryan Mursal waxa ay tidhi,

Baarax geela iyo faras

Iyo boqon yaraha adhi

Hablihii lagu bedeli jirey

Diintaynu baraniyo

Ma banneyn kitaabkuye

Booli quutayaashii

Biicsan jirey haweenkiyo 

Baxadsoorihii tagey

Maanta looma baahnee

Horta baro tacliintiyo

Buugiyo dhigaalkoo

Badowyahoow dib ha u celin

Dadka soo baraarugey

ARDAYDII DALKEYGAAY

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Ardayda ayey ku guubaabinaysaa dalnimo jacayl, isla markaana waxa ay u tilmaamaysaa barwaaqada dalkooda taal.

Ardaydii dalkeygaay

Ubadkii dalkeygoow

Ku ilwaadsanaayoow

Ma og tihiin waxbarashadu

Waa ilayski noloshee

Ma og tihiin aqoon baa

Isu keenta ummaddoo

Qaranimo aloostoo

Gobanimo adkaysoo

Nabad lagu ilaashaa

Ma og tihiin aqoon baa

Kheyraadka aasane

Arligeena jiifaa

Laga ooman yahay weli 

Oodda lagaga rogayaa

Asalkaba ma maqasheen

Adduunyada korkeediyo

Xidigahaan u jeedniyo

Uurka hoose waxa jira

Cilmigaa iftiinshee

AFRIKAAY IS MAQAL

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Heestani waxa ay guubaabinaysaa dhammaan dadka Afrikaanka ah oo dhan in ay is maqlaan oo gumaysiga meel uga soo wada jeestaan.

Yaanismiidh ma muuqdeen

Roodhiishiya ma maageen

Haddaan midig la siinin

Boortiqiis ma madhiyeen

Mana uu malaysteen

Musabiik Angoola

Mindiyihii qarsoonaa

Gini lagu miraayey

Suud Afrika ma moogi

Hadal iyo murtina waa

Afrikaay is maqaloo

Midab gumaysi diida

Dadka oo midooboo

Beryihii masoobiyo

Nabad laga ma maarmoo

Maalintay xumaatee

Maskax aydin murantaan

Waranku waa macaan yahay

Madowgaaga kaan rabin

Muuqaaqa kii neceb

Tiisana ha meel marin

Hadal iyo murtina waa

Afrikaay is maqaloo

Midab gumaysi diida

Haddii aan maskaxi talin

Dhegtu maqal xumaha jira

Indhuhu maalin aragtida

Luguhu hawsha maamulin

Gacmuhuna wax kuu qaban

Cadow kaama maagtoo

Midabkuba sed weeyee

Magacuba dan weeyee

Murti dhaxalgal weeyee

Hadal iyo murtina waa

Afrikaay is maqaloo

Midab gumaysi diida

Madaxdii Afrikaay 

Macnahii gumaysigu

Magacood ba’ wuxuu yahay

Wanka macasha ii qabo

Adigu gawrac ii mari

Dhiigana aan ka muudsado

Jidkii aad ku madhateen

Maya haddaad tidhaahdaan

Ma afkaa maroorsami

Hadal iyo murtina waa

Afrikaay is maqaloo

Midab gumaysi diida

GOBONIMADA WADAJIRA

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Heestani waxa ay guubaabinaysaa in dalka gobonnimadiisa la wada ilaaliyo kol haddaynu soo gaadhney halka aynu maanta joogno.

Sidii aar gantaal qaba 

Waxaan gocasho reemaaba

Gadhka iyo waxaan labada low

Meel isugu geeyey

Gaajada jidhkaygii

Wuxuu golongol dhuubtaaba

Dhulka waxaan garaacoo

Dibnaha gawda ku hayaaba

Amaan galowga qayshiyo

Ugaadh garabka saaraaba

Gartayeey noloshayda

Galadaan sugayniyo

Waqtigu wayna soo galaye

Guushiyo barwaaqada

Gugaygaa igu simiyoo

Kama geeriyoonine

Aahee aahee

Waayaha is gura oo

Goortaan sugaynaa

La soo gaadhey maantee

Gaashaandhigoow

Idin garab gallee

Aan soo gaabshe hadalkee

Gabayada xusuusta leh

Waxaan uga gol leeyahay

Maahmaah bay gunteed tahay

Gaala wadhaf ma lagu deyey

Gardarada caddaanka ah

Waxaan gudub u dhawraaba

Gacmahayga waxaan laabo

Oo xadhig ku giijaaba

Garbahaan u baqo oo

Talada gees u qariyaaba

Guubaabada naftayda ah

Waxaan geesigeliyaaba

Amaan geeri iyo nolol badhoo

Libinta gaadhaaba

Gartayeey noloshayda

Galadaan sugayniyo

Waqtigu wayna soo galaye

 Geyigeena dahabiyo

Macdan baa ka guuxdoo

Aan gaaxdiisa maalee

Aahee aahee

Guntadoo dhaqaaqoo

Galeydiina beeroo

Gees banneeya webiyada

Gaashaandhigoow 

Idin garab galee

Gacmaha is qabsada oo

Garbahaysa saaroo

Isu wada gargaaroo

Qeyrkeen aan gaadhnee

Gobonimada wadajira

NIN KU SIRAY

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Heestan waxaa loogu goodiyayaa kuwa dalka laqdabaynaya ee dalnimo jacaylka laabtooda laga maydhay ee gumaysiga nacabka ah iyo shisheeyaha la shaqaysta. Sidoo kale waxa ay tilmaamaysaa sidii laga yeelilahaa gumaystaha iyo kuwa sandareeradiisa leefa.

Afrikaay sideenaba

Sac baan xoolo leenahay

La yidhaahdo Saxardiid

Summadiisu midab tahay

Afartan iyo sideed naas

Simani ay ku yaaliin

Caanuhu ay sunsumayaan

Maxaa siro la qaybsaday

Safaf la isu kala madhay

Siraad la isu wada shiday

Laysa sogordahaayaa

Layskuna sabaayaa

Salaan aan niyo ahayn

Gacmo laysa saaraa

Laysa soo dhoweeyaa

Runta laga siqaayaa

Beenta sacabka loo tumay

Adduunyada sir iyo caad

Ninba sida dantiisa ah

Dadka kala saqaafo ah

Seben la isu jiidaa

Dadku wada sanqanayaan

Sidiqabaxi dabotaal

Waxay tahay su’aashii

Kolba labo sokeeya ah

Saaxiib ahoo walaalo ah

La isu soo dirayaa

Haddii labo saf loo go’ ee

Sannadii dhammaatee

Soo qayshado la dagihii

Soori waanu ka xunahay

Siliciyo dhibtiinaba

Siintii way dhammaatee

Sawaariikhda naga gada

Sahal loo yidhaahdaa

Waa sidaa ujeedadu

Afrikaay sideenaba

Sac baan xoolo leenahay

La yidhaahdo Saxardiid

Summadiisu midab tahay

Afartan iyo sideed naas

Simani ay ku yaaliin

Caanuhu ay sunsumayaan


Markii uu salaadiyo

Saqda dhexe dad toosiyo

Candho saabkii waayuu

Isticmaar salaaxuu

Sibraarada ka dhaansaday

Jeer aad saafi noqotaan 

Faro siman ahaataan 

Inaad Seermaweydiyo

Gursamo ka baaqdaan

Sacabka ha u garaacina

Sidan waa naqaanaa

Sidana waanu garanaa

Hadday gacantu saan

Sir bay cidhib ku leedahay


Sinaantu waa dhab

Saadaashu waa run

Xornimadu waa sed

Haddaad sabirki aragteen

Waxba inaanu soo sidin

Sanadkuna ogaatiin

Qarniguna sargooyada

Labaatan uu ku sugan yahay

Taariikhdana la socotaan

Maydin seefta maashaan

Illaa aad samaysaan

Saldhiga aad tidhaahdaan

Sedkayagii madoobaa

Sugimayno nolol wacan

Ninku sugay gar kuu dhigay

Ninku siiyey kuu faan

Nin sarbeebay kaa qari

Ninku siray wax kuu sheeg

Afrikaay ha seexan

HOOYADA

Heesta waxaa curiyey Maxamed Ibraahim Hadraawi. Waa hees ka sheekaynaysa qiimaha hooyadu leedahay iyo in jiritaankeedu asal u yahay nolosha aadamaha.

Hooyooy la’aantaa

Adduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo

Sida haad ma fuuleen

Hubka laguma tuureen

Hawo laguma gaadheen

Cirka hirar ka muuqdoo

Ruuxaad hagaysiyo

Usha midaad u haysaa

Hilin toosan weligii

Ka habaabimaayee

Hooyooy addoomuhu

Halkay maanta joogaan

Adigow horseedee

Intaad hanad xambaartee

Haaneedka siisee

Horaadada jaqsiisee

Habtay baan xisaab iyo

Tiro lagu heleynoo

Marka aad nin hiilloo

Laga baqo hashiisiyo

Halyey diran dhashaabaa

Hooyo lagu xasuustaa!


Marka aad nin hoo loo

Marti hagarta geliyoo

Gurigiisa habaqluhu

Isku soo haleeyoo

Hayntiisii quudhoo

Hor Ilaahey geystiyo

Lama hure dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa


Marka aad nin himilada

Hilinkooda mariyoo

Hir markii la gaadhaba

Ku labaad hilaadshoo

Haga maatadiisoo

La hiigsade dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa


Marka aad nin hoogiyo

Ka hortaga dagaalkoo

Dabka hura bakhtiiyoo

Garta hubin yaqaanoo

Xaqa hoos u eegoo

Halistiyo colaadaha

Ku hagoogta dhiigoo

Dadka kala hagaajoo

Kala hage dhashaa baa

Hooyo lagu xasuustaa


Markaad hoobal caaniyo

Sacabka iyo heelada

Labada hagaajoo

Hindisaha farshaxanoo

Hab dhaca iyo luuqdaba

Rabbi hibo u siiyoo

Hawraarta maansada

Heensayn yaqaanoo

Hal abuur dhashaabaa

Hooyo lagu xasuustaa


Dumar iyo haween baa

Nolol lagu haweystaa

Kuwa lagu hamiyayee

Sida hawd caleen weyn

Rag u wada hamuumee

Ishu halacsanaysaa

Hablahaaga weeyee

Marka guur la haybshee

Gabadh heego dheeroo

Hoobaan la moodoo

Karti iyo hub qaad loo

Quruxdana ka hodanoo

Hidde lagu aroostaa

Hooyo lagu xasuustaa


Hooyooy la’aantaa 

Higgaad lama barteenoo

Hooyooy la’aantaa

Hadal lama kareenoo

Ruuxaanad habinoo

Kolba aanad hees iyo

Hoobeey ku sabinoo

Hawshaada waayaa

Hanaqaadi maayee

Hooyooy taftaadaa

Dugsi laga helaayoo

Hooyooy dhabtaadaa

Hurdo lagu gam’aayoo

Hooyooy dushaadaa

Nabad lagu hubaayoo

Waxa lagu hal maalaa

Hooyo ababintaadee

Hayin lagu badhaadhaay

Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey

Dugsi lagu hirtaayeey

Hidda lagu arooraay


Intaad hooyo nooshahay

Hambalyiyo salaam baan

Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq dhawr baan

Dusha kaa huwinayaa

Hooyo dhimashadaaduna

Hoogayga weeyee

Weligeey hoggaagaan

Ku dul heesayaayoo

Hiyiga iyo laabtaan

Kugu haynayaayoo

Hengel baan u xidhayaa

Inta haadka duushiyo

Idil habardugaagee

Ifka hibo ku nooloow

Aakhiro halkii roon!

Hooyoo aakhiro halkii roon!

Hooyoo aakhiro halkii roon!

Hooyoo aakhiro halkii roon!

ALLAA WEYN!

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Heestan waxa ay dadweynaha iyo dawladaba ku guubaabinaysaa muhiimadda ay leedahay ku tiirsanaanta Allaah.

Allaah baa weyn! 

Ninkii aaminaa awood leh

Ummad weliba aayaheeda

Inay garato iyadaa leh

Inaan la shahiido adoonsiga

Qoomiyadayda adkeeyo

Xornimada ilays u ahaado

Igu waajib weeyee anaa leh anaa leh!

Inaan naftayda u hibeeyo

Noloshayda geeri ku iibsho 

Oo aan dartiis iilka ugu hoydo

Arligayga iyo ciiddaa xaq iigu leh

Ajal madhatay lama oolin karo, waan og nahay!

Kol hadduu is yidhi u dhimo

Dhul ninkiisii baa iska leh

Allaa weyn! 

Ninkii aaminaa awood leh

Ummad weliba aayaheeda

Inay garato iyadaa leh

Inaanba ilaawo adduunyada

Aakhiro aado ka doorto

Ogoloow gumaysiga aan diido

Igu waajib weeyee anaa leh anaa leh!

Inaan sirtiisa u adkeeyo

Wax u darrana ka ilaasho

Aslanba u jihaad niyada aan geshoo

Arligayga iyo ciiddaa xaq igu leh

Ajal madhatay lama oolin karo, waan og nahay!

Kol hadduu is yidhi u dhimo

Dhul ninkiisii baa iska leh

WAA GAR ALLAAH

Waa hees wadani ah oo la tiriyey xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Heestan waxaa loogu goodiyayaa kuwa dalka laqdabaynaya ee dalnimo jacaylka laabtooda laga maydhay ee gumaysiga nacabka ah iyo shisheeyaha la shaqaysta.

Ninka guba dalkeenee

La tashada gumaystoow

Kugu garanay taladaad

La gurguuranaysee

Cagta gogosha soo dhiga

Inta kuu gargaartiyo 

Gogashaada la ma cuno

Ciidaada la ma gado

Xaqaad gacanta haysaa

Ilaah kugu gargaaraa

Gurmad ma leh Qiyaamuhu

Goorba goortii ka dambaysa buu

Kula sii go’daa

Gaashaan dhigeeniyo

dadweynoow gorfeeyoo

Guuldarada raggii dhigay

Maxaan kaga gam’aynaa

Gumuc culus in lagu dilo

Gaalshire in lagu rido

Midkee baad u garateen

Waa gar waa gar  waa gar Ilaah

Nin waliba wuxuu geystey 

Baa laga gudaayaa.


Ninka guda habeenkee

Gobanimada iibshow

Gardaradu ma socotoo

Xadhkahaad guntaysaa

Ku guulaysan mayside

Garabkaaga la ma dhibo

Godka loo ma qariyoo

Adaa geli hortiisee

Xaqaad gacanta haysaa

Ilaah kugu gargaaraa

Gurmad ma leh Qiyaamuhu

Goorba goortii ka dambaysa buu

Kula sii go’daa

Gaashaan dhigeeniyo

dadweynoow gorfeeyoo

Guuldarada raggii dhigay

Maxaan kaga gam’aynaa

Gumuc culus in lagu dilo

Gaalshire in lagu rido

Midkee baad u garateen

Waa gar waa gar  waa gar Ilaah

Nin waliba wuxuu geystey 

Baa laga gudaayaa.

DHIGI MAAYO TUUTAHA

Heestan waxaa la yidhaahdaa, ‘‘Dhigi Maayo Tuutaha.’’ Heestan waxaa la curiyey xilligii dagaalkii 1977dii. Heesta waxaa curiyey askartii dagaalka ku jirey.

Dharaartii Cadceeddaa

Labadaydan dhaayood

Ku dhugo nacabka mooyee

hadhka u ma dhowaadee

Dhalaalada habeenkii

Dhuumaalaysi boodoo

Wax dhegayso mooyee

Dhacadiid ma seexdee

Dhigimaayo tuutaha

Dhadhaabihii gumeysiga 

Anigoon dhana u dhigin

Dharaartii Cadceeddaa

Labadaydan dhaayood

Ku dhugo nacabka mooyee 

hadhka u ma dhowaadee

Dhalaalada habeenkii

Dhuumaalaysi boodoo

Wax dhegayso mooyee

Dhaxan iima qabatee

Dhigimaayo tuutaha

Dhadhaabihii gumeysiga 

Anigoon dhana u dhigin

Calanyow haddaan dhiman

Haddaan dhiman 

Haddaan dhiman

Wedku iga ma dheeree

Inta uu dhinacaygu 

Dhulka uu ka sareeyo

Lagu soo dhicimaayee

Dhudhunkeena ku dhaado

Xoogga dhiiran eegoo

Shacabka dhaarsan ilaasho.

Dhigimaayo tuutaha

Dhadhaabihii gumeysiga 

Anigoon dhana u dhigin.

Other Articles